
Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka baxay guddiga Dowladda Soomaaliya u xil saartay dhageysiga dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.
Wafdi uu hogaaminayo Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa saacad ka hor u ambabaxay magaalada Hague ee dalka Holland, wafdiga waxaa qeyb ka ah xeer ilaaliyaha Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud iyo xubno kale oo ku xeel arrimaha sharciga.
Mahdi Guuleed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya diyaar u tahay ka qeybgalka dhageysiga dacwadda oo looga qeybgalayo labo qaab oo kala ah dad maxkmadda jooga iyo kuwo Online uga qeybgalaya.
Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda ICJ ayaa dhawaan ku gacan sayrtay dalab uga yimid Kenya oo ay ku dooneysay in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda kala dhaxeysa Soomaaliya.
Dhageysiga dacwadda badda ayaa furmaya 15-ka bishan, wuxuuna ku egyahay 19 bishan Maarso 2021.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.