Xasan Sheekh Maxamuud oo ka fiirsanaya inuu ka baxo Midowga Murrashixiinta

Muqdisho (Wararka PP) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu la kulmo la-taliyeyaashiisa siyaasadda. Laba-bogleyn ku saabsan ka sii mid ahaanshaha Midowga Murrashixiinta ayaa soo foodsaartay madaxweynihii hore.

Sanadkii 2016 wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed iyo Wasiir hore Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame inay si “qeyrul mas’uulnimo u sahladeen baddeennu inay baxdo…” Wuxuu ku tilmaamay labada siyaasi kuwo aan u qalmin inay u tartamaan xilka madaxweynenimada Soomaaliya.

Miyuu isbeddelay? 2016kii Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku eedeeyay Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur dibindaabyo qaran.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu u ekaanayaa siyaasi dadka been u sheegayay 2016kii hadduu maanta madal kala soo muuqdo Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur isagoo aamminsan inay u qalmaan in loo doorto Madaxweyne” ayuu yiri Aweys Cali, oo ah bare ku sugan Afgooye.

“La-taliyayaasha Xasan Sheekh laba arrimmood mid uun waa inay kula taliyaan Xasan Sheekh. Inuu ka tanaasulo murrashaxnimada ama inuu ka baxo Midowga Murrashixiinta” ayuu yiri gorfeeye siyaasadeed oo Puntland Post ka codsaday inay xigato magaciisa oo aan la sheegaynin.

Midowga Murrashixiintu waxay u badan yihiin xubno aan ku mideysnayn siyaasad dhaafsiisan in xukunka lagala wareego Madaxweyne Farmaajo. Waxay ku hungoobeen codsi ay u direen xildhibaannada Digil & Mirifle oo ka biyodiiday xubinnimada Shariif Xasan Aadan, oo ay u arkaan inuu bahwadaag siyaasadeed la yahay Aala Sheekh iyo Damuljadiid, laba kooxood ay xildhibaannada beeshu u arkaan “kuwo aan lahayn barnaamij siyaasadeed danta qaranka Soomaaliyeed ku qotoma”.

© Puntland Post, 2021