Somaliland oo macdan Qodis qarsoodiya ka bilowday Gobolka Sanaag

Warar lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinaya, in xukuumadda Somaliland ay degaanno ka tirsan Gobolka Sanaag ka bilowday Qodista Dahabka iyo noocyada kala duwan ee Macdanta.

Degaanka ay Somaliland haatan ka bilowday Macdan Qodista oo lagu magacaabo Shidan, waxaa muddo sannado ah ka aloosan xiisad colaadeed oo u dhexaysa laba beelood, taas oo aan weli heshiis dhammaystiran laga gaarin.

Wararku waxay sheegayaan, in Somaliland ay shirkado shisheeye heshiis hoose kula gashay barnaamij ku saabsan Macdan Qodista, oo la doonayo in laga sameeyo Buuraleyda ku teedsan xeebaha Gobolka Sanaag.

Barnaamijkaas ayaa loo xil saaray Ganacsato ka soo jeeda Somaliland, si aan loo dareemin Qorshaha xukuumaddu wadato.

Tallaabadan ay Somaliland qaadday ayaa laga cabsi qabaa in ay uga sii darto xiisadda qabiil ee ka aloosan Degaanka Shidan maadaama ay, halkaas wada degaan laba beelood oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Somaliland.

PUNTLAND POST