Gudoomiyaha Baarlamaanka jaamacada carabta Adel bin Abdulrahman Al-Asoumi ayaa si kulul u canbaareeyay qaraxii habeen ka hor ka dhacay maqaayadda Yemeni ee magaalada Muqdisho
Gudoomiyaha wuxuu adkeeyay hiilka iyo isgarab taaga buuxa oo baarlamaanka carabtu u hayo soomaaliya uuna taageersan yahay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab
Gudoomiyaha ayaa muujiyay diidmadiisa adag ee ka dhanka ah dhamaan falalka lala beegsanayo rayidka kuwaas oo ka hor imaanaya dhamaan qawaaniinta caalamiga ah islamarkaana halis ku ah amaanka iyo xasiloonida.
Ugu danbeyntii wuxuu gudoomiyaha uga tacsiyeeyay madaxda dowlada Soomaaliya, shacabka iyo ehelada dadkii ku dhintay qaraxa wuxuuna soo ka basho dhaqso leh u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay
PUNTLAND POST