Xildhibaan ka tirsan Puntland oo dhaawac culus ka soo gaaray shil gaari

Xildhibaan Cali Axmed Salaad (Cali Dhahar), oo ka tirsan Baarlamanka Puntland, ayaa maanta dhaawac culus ka soo gaaray shil gaari oo uu ku galay degaan ka tirsan Gobolka Sanaag.

Xil. Cali Dhahar ayaa shilkaas ku galay degaanka Midigale, oo qiyaastii 40KM u jira degmada Badhan ee Gobolka Sanaag, sida laga soo xigtay Qoyskiisa iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland.

Dhaawaca oo mid culus ah xildhibaanka, ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee degmada Badhan.

Xildhibaanka ayaa ku sii jeeday degmada Badhan, oo uu doonayay in uu kaga qayb-galo Tacsida Hooyadiisa marxuumad Raxma Ciise oo ku geeriyootay magaalada Badhan.

PUNTLAND POST