Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaaraysay weerarkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, oo lagu beegsaday Maqaayadda Yemeni.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM, ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay si adag u cambaaraynayso weerarkaas foosha-xun.
Qoraalka UNSOM waxa lagu sheegay in Qaraxii xalay Al-shabaab fulisay, waxaase xusid mudan in aysan weli jirin cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.
Sidoo kale, Qaramada Midoobay waxay tacsi u dirtay Qoysaska dadkii ku dhintay weerarka, halka kuwa ku dhaawacmayna ay caafimaad deg deg ah u rajaysay.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.