
Ciidanka Amniga Puntland ee PSF oo haatan warbixin soo saaray, ayaa sheegay in 20 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen dagaal maanta ka dhacay buuraleyda Gobolka Bari.
Taliska PSF waxay sheegeen in dagaallamayaashii Al-shabaab ee xalay weeraray xabsiga weyn ee Boosaaso, ay maanta ku qaadeen hawlgal qorshaysan, islamarkaana ka dileen 20 xubnoo, halka afar maxbuusna ay ka qabteen.
Sidoo kale, waxay tilmaameen in dib Al-shabaab uga soo furteen maxaabiistii ay xalay kala baxeen xabsiga weyn ee boosaaso.
Taliska PSF ayaa u mahadceliyay Laamaha kala duwan ee Ciidamada Puntland oo ka qayb-galay hawlgalka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.