Maxkamadda Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in laga bilaabo Sabtida la hakiyay dhegaysiga, Furashada iyo Fulinta dhammaan dacwadaha aan ciqaabta ahayn, si loo xakameeyo faafidda xanuunka COVID-19.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo lagu socod-siiyay dhammaan hay’adaha Garsoorka dalka iyo Laamaha Amniga ayaa lagu shaaciyay go’aankaan.
Maxkamaddu waxay sheegtay in ay sii socon doonaan kiisaska dacwadaha ciqaabta ku saabsan, inta laga soo saarayo go’aan kale oo dib loogu fasaxo kiisaska madaniga ah.
Sidoo kale, waxay tilmaantay in dhammaan dhegaysiga dacwaduhu ay ka xirnaan doonaan dadweynaha, si looga gaashaanto xanuunka Coronavirus.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.