Maraykanka oo ku baaqay baarista gaboodfallo ka dhacay Tigree

Asmara (Wararka PP) — Safaaradda Maraykanka fadhigeedu yahay Eritreeya ayaa taageertay baaris uu soo jeediyay ururka xuquuqda aadanaha Itoobiya ku saabsan gaboodfallo ay ciidammada Eritreeya ka geysteen magaalo taariikheedka Axum oo ku taalla gobolka Tigray.

Madaxweynaha Eritreeya Isaias Afwerke (bidix) wuxuu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed (midig) ka caawiyay jabinta kooxdii TPLF.

“Waxaannu qabnaa in xogaha Amnesty International heshay la xiriira xasuuqa rayidka loogu geystay Axum aan la dhayalsanin, oo waxaannu soo jeedinayaa in warbixinno la rumeysan karo la baaro oo gaboofalayaasha lala xisaabtamo” ayay safaaraddu ku xustay hadal ay ku soo saartay bogga ay Facebook ku leedahay.

Amnesty International waxay ku eedeysay ciidammada Itoobiya iyo Eritreeya inay muddo 24 saacadood si aan kala go’ lahayn oo aan loo kala aabbiyeelin loo duqeeyay magaalada Axum kaddib labada ciidan ay dilal sharcidarro ah ka geysteen magaalada iyagoo ka aargudanayay weerar uga yimid koox maleeshiyo ahayd.

© Puntland Post, 2021