Midowga Murashixiinta oo ka horyimid Shirkii Madaxweyne Farmaajo ku baaqay

Midowga Murashixiinta mucaaradka dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uu xagal-daacinayo wada-hadalka u socda iyaga iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

 “Waxaase nasiib-darro ah in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/laahi Farmaajo uu si ula kac ah u xagal-daacinayo wadahadallada u dhexeeya Raisalwasaaraha iyo Midowga” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay Murashixiinta.

Kaddib markii uu isla-maalintii shirka loo ballansanaa uu ku dhawaaqay shir uusan sharciyad u lahayn u yeeriddiisa, kaasoo uu ku doonayo in uu ku carqaladeeyo wadadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga Murashaxiinta” ayuu sii raaciyay war-saxaafadeedkaas.

Sidoo kale, waxay ka digeen in la carqaladeeyo wada-hadalka u socda xukuumadda iyo Murashixiinta islamarkaana waxay dowladda ugu baaqeen in ay ilaaliso Amniga dibad-baxyada qorshaysan in Sabtida la qabto.

PUNTLAND POST