Madaxweyne Farmaajo oo mar kale shir ku casumay Madaxda Dowlad Goboleedyada

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa  sheegay in uu 4ta Maarso 2021 martigelinayo munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii la xiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay Kulankan oo hal maalin soconaya uu ka qabsoomayo magaalada Muqdisho, islamarkaana looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17kii Sebteembar 2020.

Kulankan oo hal maalin soconaya wuxuu ku qabsoomayaa magaalada Muqdisho, waxaana looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17kii Sebteembar 2020.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ahmiyad wayn siinaysaa hirgelinta doorasho hufan oo jawi nabdoon ku qabsoonta.” Ayuu sii raaciyay Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya

PUNTLAND POST