
Dowladda Puntland ayaa maanta si rasmiya u shaacisay Natiijada ka soo baxday baaritaan ku saabsan Hidda-sidaha DNA (Deoxyribonucleic acid), oo lagu sameeyay nin da’diisu tahay 63-sano jir, kaas oo laba Qoys ku muransanaayeen.
Shaacinta Natiijada ka hor, ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa labada Qoys u bandhigay in ay aqbali doonaan Natiijada soo baxda, taas oo ay ballan-qaadeen.
Guddoomiyaha hay’adda Forensic science-ka dowladda Puntland Cabdirashiid Maxamed Shire oo gacanta ku hayay baaritaanka, ayaa shaaciyay labada Qoys midka uu la hiddo noqday ninka lagu muransanaa.
Labada Qoys midkood, oo uu wakiil ka-ahaa Cabdirisaaq Siciid Ismaaciil, ayuu la hidde nodqay ninkii lagu muransanaa, kadib markii la mariyay baaritaanka cilmiyaysan Forensic-ga.
Qoyska labaad, oo iyagana uu wakiil ka-ahaa Cali Axmed Aaden, islamarkaana sheeganayay ninkan magaciisa la qariyay, ayay isku hidde-noqon waayeen, sida ka soo baxday Natiijada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.