
Guddiga Amniga Gobolka Bari, oo maanta kulan deg deg ah ka yeeshay xaaladda magaalada Boosaaso, ayaa gebi ahaanba mamnuucay in la sameeyo wax isu-imaatin dadweyne ah iyo nooc kasta oo bannaanbax.
War ka soo baxay Guddiga, oo uu saxaafadda u akhriyay Taliye ku xigeenka Qaybta Gobolka Bari Yuusuf Cabdi Cartan, ayaa lagu go’aamiyay in ay mamnuuc yihiin isu-imaatinnada dadweynaha iyo dhammaan nooc kasta oo bannaan bax ah.
Guddiga ayaa sheegay in go’aanka uu la xiriiro sugidda Amniga Boosaaso iyo ka hortagga in fowda laga sameeyo gudaha magaalada, waxaana go’aankaas ku soo beegmay xillli la hadal-hayo bannaanbaxyo Jimcaha qorshaysan.
Hoos ka daawo Muuqaalka
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.