Puntland oo shaacisay magacyada shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay oo bixin waayay Canshuurta

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Puntland

Xeer ilaalinta dowladda Puntland ayaa shaacisay magacyada 14 qof oo ka tirsan Shaqaalaha hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay, kuwaas oo bixin waayay canshuurta ku waajibtay.

Ku xigeenka xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe, ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabi doono shaqaalaha magacyadooda la shaaciyay, haddii aysan bixin Canshuurta ku waajibtay.

Xeer Ilaaliye ku xigeenka Puntland ayaa shaqaalahaas u qabtay mudda shan maalmood ah, in ay ku bixiyaan Canshuurta laga bilaabo Khamiista berri ah, haddii kalena dhammaantood xabsiga loo dhaadhicin doono.

Hoos ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST