Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ku geeriyooday Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa caawa ku geeriyooday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo kamid ahaa isimada dhaqanka Soomaaliyeed.

Ugaaska ayaa wararku sheegayaan inuu u geeriyooday cudurka Covid-19 oo maalmihii la soo dhaafay dad badani ay ugu geeriyoodeen Soomaaliya.

Geerida Ugaas waxaa ka tacsiyeeyay dhamaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

PUNTLAND POST