Maraykanka oo baaq u jeediyay Madaxda Soomalida

Siihayaha Wakiilka dowladda Mareykanka u qaabilsan Qaraamda Midoobay  Richard Mills, ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la hirgeliyo hanaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Richard Mills oo hadal ka jeediyay shirka Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida in ay xal deg deg ah ka gaaraan arrimaha doorashooyinka kana Shaqeeyaan Nabadda iyo Xasiloonida waddanka

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in shaqaaqooyinkii ka dhacay 19-kii Bishaan Muqdisho ay horseedi karto halis kale iyo in wadanka hubinti la’aan kale,taasina uusan aqbaleyn Mareykanka.

PUNTLAND POST