Ciidamada Libya oo in ka badan 150 Tahriibayaal ah ka soo furtay xabsi qarsoodiya

Ciidamada Amaanka Liibaya, oo weerar qorshaysan ku qaaday xabsi qarsoodi ah oo ku yaala koonfur-bari dalkaaasi liibiya, ayaa ku guuleystay in badbaadiyaan 156 ruux oo ay 15-ka mid ah yihiin haweenka .

Howlgalkan oo ka dhacay magaalada Kufra ayaa dhacay 16-kii Febraayo, kadib markii mid ka mid ah tahribyaasha uu xabsiga ka baxsaday isbuucii lasoo dhaafay, iyadoo loo wareejinayo goob kale oo la doonayay in la xiro .

Muhaajiriinta la soo badbaadiyay oo u kala dhashay dalalka Soomaaliya, Eriteriya iyo Suudaan waxaana la dejiyay goobo amaan ah waxaana la siiyay raashin, dhar iyo bustayaal.

PUNTLAND POST