Villa Somalia oo baaq u dirtay Puntland iyo Jubaland

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Puntland iyo Jubaland ugu baaqday in ay ku soo biiraan shirka wadatashiga doorashada ee Muqdisho.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ugu yeeraysaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland in ay ku soo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo soo jeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 202”.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duuleysa baahida loo qabo in dalka doorasho loo jiheeyo waxay xal u aragtaa in dhammaan Dowlad Goboleedyada ay ka qeyb qaataan dhameystirka geeddi socodka doorashooyinka dalka, loogana gudbo marxaladdan hadda lagu jiro wada hadal, isqancin iyo in loo tanaasulo danta guud” ayaa la sii raaciyay war-saxaafadeedka Villa Somalia.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay in ay ka go’an in dalka loo jiheeyo doorasho, lagana mira dhaliyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020.

PUNTLAND POST