Midowga Murashixiinta oo ku baaqday Bannaanbax kale

Golaha Midowga Murashixiinta Muqdisho, ayaa maanta mar kale ku baaqay bannaanbax nabadeed oo 26-ka February ka dhici doona taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho

Bannaanabaxii ay hore ugu dhawaaqeeen Midowga Murashixiinta maalintii Jimcaha ee 19-ka Febraayo waxa hareeyay iska hor-imaadyo u dhexeeya dowladda iyo Mucaaradka

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore joojisay isu imaatinnada iyo isu soo baxyada dadweynaha, si looga gaashaanto faafidda xanuunka COVID-19.

Dhinaca kalena, Madaxtooyada Soomaaliya oo maanta soo saartay war saxaafadeed ayaa ugu baaqay Puntland iyo Jubaland in ay kasoo qaybgalaan shirarka ka socda Muqdisho ee lagu dhamaystirayo heshiskii 17-ka Sebtember.

PUNTLAND POST