Madaxweyne Deni oo kulan gaar ah la yeeshay Wefdi ka socda Midowga Yurub

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe, Wefdi kasocda Midowga Europe oo uu hoggaaminayo Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez.

Wefdiga  waxaa kamid ahka Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, Alberto Vecchi iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Staffan Tillander.

Kulanka oo ay Madaxweynaha kala qeybgaleen Wasiirada Wasaaradaha arrimaha Gudaha, Qorsheynta iyo Wafaafinta, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Kulankaas waxa looga wada-hadlay xal u helidda muranka Arrimaha Doorashooyinka dalka.

PUNTLAND POST