Villa Somalia oo dowladda Imaaraadka ku eedaysay in ay sabab u tahay khilaafka doorashada dalka

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa dowladda Imaaraatiga Carbeed ku eedaysay in ay fara-gelin qaawan ku hayso Arrimaha gudaha Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in ay xiriir lahaayeen dadkii abaabulay bannaanbaxii Jimcaha iyo dowladda Imaaraatiga, islamarkaana warqadda ka soo baxday dowladda UAE ay taas caddayn u tahay.

Sidoo kale, wuxu dowladda Imaaraadka ku eedeeyay in ay sabab u tahay khilaafka ka taagan hirgelinta doorashada madaxtinimada Soomaaliya, kadib markii sida uu hadalka u dhigay UAE u yeertay qaar kamid ah madaxdii saxiixay Heshiiskii 17-ka September, kadibna ay mowqifkooda beddeshay.

Wasiir Dubbe, wuxu tilmaamay in dowladda Imaaraadka Carbeed ay doonayso in ay Soomaaliya ka dhigto sida dalalka Yemen iyo Libya ee colaaddu ragaadisay.

Halkaan ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST