
Dowlad goboleedka Jubaland ayaa 5 shuruudood oo cusub ku xiray ka qeybgalka shirka doorashada Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka baxay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in jubaland ay ku baaqayso qodobada kala ah.
– In Dowladda Federaalka raaligelin ka bixiso rabshadihii ka dhacay Muqdisho
– In la isugu yimaado shir ay ka soo qeybgalaan muraadka.
– In shirku ka dhaco goob amnigeeda mas’uul ka tahay Beesha Caalamka.
– In la helo cid damaanad-qaada fulinta natiijada shirka.
– Iyo in madaxweyne Farmaajo ka dhexbaxo oo uusan door ku yeelan hannaanka doorashooyinka dalka.
Hoos ka akhriso war-saxaafeedka oo dhameystiran


PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.