Mucaaradka dowladda Soomaaliya oo sheegay in ays ii wadi doonaan Bannaanbaxyada

Golaha Midowga Murashixiinta Muqdisho ayaa si adag u cambaareeyay Rabshadihii iyo iska hor-imaadyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho kadib markii dowladdu joojisay Bannaanbaxyadii mucaaradka.

Golaha ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu mas’uul ka yahay Rabshadihii iyo dagaalkii ka dhacay Bannaanbaxyadii mucaaradku doonayeen in ay ku qabtaan taallada Daljirka Dahsoon.

Sidoo kale waxay sheegeen in Madaxweynaha iyo cid kasta oo garab ku siisay lagala xisaabtami doono dhibaatadii ka dhalatay shaqaaqooyinkii habeen hore iyo shalay ka dhacay Muqdisho.

Goluhu wuxu sidoo kale ballan qaaday in ay sii wadi doonaan Mudaharaadka iyo dibad-baxyada looga horjeedo dowladda kuwaas oo lagu dalbanayo in doorasho la qabto.

PUNTLAND POST