Midowga Afrika oo amar ku soo rogay AMISOM kadib Rabshadihii Muqdisho

Ururka Midowga Afrika ayaa ku amray ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya in ay dhex-dhexaad ka noqdaan muranka siyaasadeed ee dalka kadib markii rabashado ay ka dhaceen Muqdisho.

Rabshadaha ayaa ka dhashay weerar ay ciidamada dowladda ku qaadeen musharaxiinta mucaaradka, habeen hore, iyo rasaas ay ku fureen shacab iyo musharaxiin kale oo dibad-bax dhigayey shalay subax.

Warka kasoo ka soo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ay si dhow ula socdaan in dagaal uu Muqdisho ku dhex maray labo ciidan oo ka wada tirsan dowladda Federaalka

Qoraalkan waxaa lagu amray ciidamada AMISOM inay taxaddar dheeri ah iyo is-xakameyn ka muujiyaan inaan la gelin xiisaddan ayna dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha socda.

“Amisom waa inaan loo arkin inay dhinac la jirsanayaan, balse waa inay u hoggaansamaan mabaadi’da iyo dhex-dhexaadnimada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ciidanka ayaa la faray inay si kooban un uga qeyb-galaan haddii ay dhacdo in lasoo weeraro goobaha uu waajibaadka ka saaran yahay sugidda amnigooda, sida madaxtooyada Villa Somalia, ayaga oo adeegsanaya awoodda ugu yar.

PUNTLAND POST