Muqdisho (Faallo PP ) — Sanadkii 2016 Puntland way ka cagajiidday ka qeybgalka doorashadii “Qabyo ninkeeda ayaa dhammaystira” oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh soo abaabulay. Ballantii dhammaynta xilligii ku meelgaarka ayaa ahayd in 2016 la qaban doono doorasho qof iyo cod.
Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo kaalin ku lahaa gabagabeyntii ku meelgaarka wuu tanaasulay. Heshiiskii la saxiixay waxaa damaanadqaade ka ahaa Tedros Adhanom Ghebreyesus, madaxa Laanta Caafimaadka Adduunka (WHO), oo markaas ahaa Wasiirkii Arrimmaha Dibedda ee Itoobiya. In Soomaaliya qaban doonto doorasho qof iyo cod kaddib doorashada 2017kii ayuu damaanadqaaday. Ma loo baahnaa kaalin damaanadqaade? Yaa leh eedda in Soomaaliya dib ugu noqoto doorasho dadban? Haddii dowladdii Xasan Sheekh lagu eedeyn waayay fulinta ballanqaadkii dhammaynta ku meelgaarka, miyaa dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagu eedeyn karaa qabasho la’aanta doorasho qof iyo cod ah?

Ismariwaaga saameeyay doorashada muu aha mid laga gudbi karo haddii maamul federaaleedyada qaar u arkaan ragaadinta heshiiskii Sebteembar 2020 waddo colaad siyaasadeed lagaga aloosi karo Soomaaliya si eeddu u raacdo dowladda federaalka. Xoogaggii ka dambeeyay isbeddelkii dhacay 2009kii maanta waxay ku mideysan yihiin beddelista dowladda hadda jirta hase ahaatee ma haystaan sal siyaasadeed oo ay ku tiirsan karaan aan ahayn joogteynta xasiloonnidarro siyaasadeed.
Sheekh Shariif Axmed, Madaxweyne hore, wuxuu isagoo Daljirka Dahsoon jooga ku halqabsaday sidii Shariif Xasan xilka Koonfur Galbeed uga tagay. Way adag tahay in isbahaysigii Muqaawamada dib ugu soo noqdaan saaxadda siyaasadda Soomaaliya.
Isu soo baxyadii shalay ka dhacay qeybo ka mid Muqdisho waxaa magac ku helay dowldda waayo 85% Muqdisho isu soo baxyo kama dhicin, iskaba daa gobollada kale ee dalka. Wasiirkii Hore ee Arrimmaha Dibedda Soomaaliya Mudane Ismaaciil Hurre Buubaa wuxuu sheegay in “Midowga Murrashixiintu ay gorayo-khaakhleynayaan oo aysan hayn tartame u babacdhigi kara Farmaajo.”
Beesha Caalamku waxay ku celcelisay hirgelinta heshiiskii doorashada laga gaaray Sebteembar 2020kii. Intee in le’eg ayay maamullada qaar ka cagajiidi karaan hirgelinta heshiiska?
Gaas wuxuu 2016kii sheegay inuu doortay ka qeybgalka doorashadii “Higsiga” si dowlad uusan wax ka ogeyn oo uusan la xisaabtami karin aan loo dhisin inkastoo Puntland lagu ballafuray markii dib loogu noqday doorasho dadban.
© Puntland Post, 2021
You must be logged in to post a comment.