Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo ku wajahan Nairobi

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa maanta oo Sabti ah ku wajahan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Safarka Guddoomiyaha ayaa ku saabsan Arrimo khuseeya Shaqada Golaha Wakiilada, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan xildhibaannada Baarlamanka Puntland.

Wararku waxay sheegayaan in Guddoomiye Cabdirashiid uu sidoo kale la kulmi doono hay’adaha daneeya Arrimaha Horumarinta Soomaaliya, gaar ahaanna dowladda Puntland.

PUNTLAND POST