Dadka uu haleelay xanuunka COVID-19 ee qaarada Afrika waxay haatan tiradooda kor u dhaaftay 100,000 sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadka.
Dalka koonfur afrika ayaa ah kan ugu dhimashada badan guud ahaan qaarada afrika
Koonfur afrika waxa xanuunkaas uu salfaday 48,859 taas oo ku dhow kala bar dadka afrika Covid-19 ugu dhintay
Afrika oo ka kooban 53 dal waxaa ay la harjadeysaa sidii ay u heli laheyd talaalka Covid-19 kaas oo dhaqaale badan iyo tasiilaad dheeri ah oo dhanka gaarsiinta ah u baahan.
14 February sanadkii 2020 ayaa kiiskii ugu horeeyay Karoona qaarada Afrika waxaa laga diiwaan galiyay dalka Masar.
PUNTLAND POST