
Magaalada Muqdisho waxaa saqdii dhexe ee caawa dagaal kooban ku dhexmaray ciidmada dowladda iyo kuwa mucaaradka.
Dagaalka ayaa ka dhacay agagaarka hoteelka Maa’ida (Naasahablood 2) oo ay dagan yihiin qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta.
Dowladda iyo mucaaradka ayaa midba mid ku eedeeyay dagaalka oo hadda istaagay, balse weli laga cabsi qabo dagaal mar kale dhexmara labada dhinac.
Dowlada Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in meleeshiyaad hubaysan ay 1dii habeenimo soo weerareen qeybo kamid ah baraha ciidamada ee Muqdisho.
“Malleeshiyaad hubaysan ayaa caawa saacadda markay ahayd 1dii habeenimo soo weeraray baraha Ciidamada Qalabka Sida ay ku leeyihiin qaybo kamid ah Caasimadda Muqdisho. Ciidamada Dowladdu way iska difaaceen weerarkaas la soo qorsheeyey, waanay ka guuleysteen maleeshiyadii weerarka soo qaadday” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasiirka Amniga Gudaha Xasan Xundubey Jumcaale.
Dhanka kale madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif ayaaa qoraalo ay ku daabaceen barahooda Twitterka ku sheegay in dowladda ku soo qaaday weerar lagu caburinayo oo looga hortaga mudaharaadka qorsheysan.
Dagaalka ka dhacay Muqdisho, lama oga in khasaare ka dhashay iyo in kale, dowladda iyo mucaaradkana midkoodna ma sheegin khasaare.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.