Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Puntland Cali Xuseen Soomaali, ayaa Qoraal uu soo geliyay bartiisa Facebook, wuxu sharraxaad kaga bixiyay fasirka taallada ” Daljirka Dahsoon” taas oo ah halka maanta la filayo in ay ka dhacaan bannaanbaxyada Muqdisho.
Cali Soomaali wuxu sheegay in kalmadda Daljir fasirkeedu yahay askari, halka kalmadda dahsoon uu fasirkeedu yahay shay aan la garanayn, waxaana uu tilmaamay in sababta taalladaas loo dhisay ay tahay in si guud loogu xasuuto askartii u dhimatay xornimada Soomaaliya, balse aan hebel iyo hebel loo garanayn maadaama ay badnaayeen.
Waxaase uu xusay in ay jireen dad u dhintay halgankii gobannima-doonka Soomaaliya, kuwaas oo magacyadooda weli la yaqaan, islamarkaana hebel iyo hebel loo xusi karo, kadibna loo dhisay taallooyin ay ku qoran yihiin magacyadooda saxda ah sida Axmed Guray iyo Xaawa Taako.
Dhinaca kale, wuxu faallo kooban ka bixiyay labadii ciidan ee xalay ku dagaallamay “Daljirka Dahsoon” kuwaas oo kala ahaa ciidanka dowladda oo diidan mudaharaadka iyo ciidanka mucaaradka oo doonaya in la qabto muddaharaadka looga horjeedo dowladda.
Cali Soomaali ayaa tilmaamay in labadii ciidan ee xalay dagaallamay midkood uu ilaalinayay Kursiga madaxweyne Farmaajo, halka kan kalena ilaalinayay muddaharaadka mucaaradka, sidaas darteed ay mudan yihiin in loo dhiso laba taallo oo kala ah “ Kursi-jir” iyo “muddaharaad-jir”
Hoos ka akhriso Qoraalkiisa
Ereyga “Daljir” macnihiisu waa askari. Waa askari ay shaqadiisu tahay inuu dalka ilaaliyo. Hadaba si aan loo hilmaamin ama loo ilaawin daljiradii (askartii) u dhintay ( shahiidey) iyagoo ciidooda ilaalinaya ayaa waxaa Muqdisho looga sameeyey taalooyin kuwoodii aadka u caanka ahaa, sida “taaladii Xaawa Taako” “taaladii Axmed Gurey” markaas ayaa hadana waxaa la yiri waxaa jira daljiro badan oo ciidooda u dhintay oo aan magacyadooda la garanayn ama la soo koobi karin. Markaas ayaa waxaa la wadaajiyey oo loo dhisay taalo loo bixiyey ” Daljirka Dahsoon” waa taas aad caawa daawanaysaan. Hadaba maadaama labada ciidan oo caawa dagaalamayaa aaney u qalmin “Daljir” si iyagana loo xusuusto waxaan Duqa muqdisho ka codsanayaa inuu halkaa uga dhiso laba taalo oo la kala yiraahdo “Kursi jir” iyo “Mudaharaad jir.”
PUNTLAND POST