Laamaha Amniga dowladda Soomaaliya, ayaa saaka oo Jimce ah xiray dhammaan waddooyinka iyo Isgoysyada muhiimk ah ee magaalada Muqdisho, si looga hortago bannaanbaxyada ay ku baaqeen mucaaradka dowladda.
Ciidamo kala duwan oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka, ayaa lagu daadiyay waddooyinka, kuwaas oo xannibay isu-socodka shacabka iyo gaadiidka magaalada Muqdisho.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmatay, xilli maanta loo ballansanyahay dibad-baxyo nabadeed oo ay ku baaqeen Midowga Murashixiinta Muqdisho iyo mucaaradka kale ee dowladda.
Bannaanbaxyada waxa la doonayaa in lagu qabto taallada Daljirka Dahsoon, halkaas oo xalay dagaal xooggan ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka, inkastoo aan weli faahfaahin laga helin khasaaraha ka dhashay.
Dowladda Soomaaliya ayaa maalmo ka hor mamnuucday isu-soo baxyada iyo kulamada dadweynaha, si looga gaashaanto faafidda COVID-19 oo sida dowladdu sheegtay soo laba-kacleeyay.
Balse, mucaaradka ayaa diiday in ay u hoggaansaman go’aankaas, waxaana ay ku tilmaameen xeelad lagu joojinayo bannaanbaxyada nabdoon ee lagu dalbanayo in dalka doorasho ka dhacdo.
PUNTLAND POST