
Ra’iisul wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa sheegay in dowladiisa aysan cabsi gelin doonin xayiraadda ay Facebook ku soo rogtay wararka lagu daabaco bartaasi ee ay isticmaalaan dadweynaha Australia.
Ra’iisul wasaare Morrison ayaa tallaabadaasi ay ku dhaqaaqeen Shirkadda Facebook ku tilmaamay mid la xiriirta kibir iyo niyad jab.
Go’aanka Shirkadda Facebook ayaa jawaab u ah sharci la doonayo in laga sameeyo Australia, kaas oo ka dhigaya in shirkadaha waaweyn ee teknolojiyaddu ay bixiyaan lacagaha ku baxa wararka.
Bogag ka mid ah kuwa caafimaadka dawladda, xaaladaha degdegga ah iyo bogag kale ayaa sidoo kale la xiray manta oo Khamiista ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.