
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo kamid ahaa culimada Soomaaliyeed ayaa caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Sheekh Baaruud ayaa ku geeriyooday isbitlaalka Martiini oo xaalad caafimaad loo geeyay, lamana xaqiijin in uu u geeriyooday Covid-19 iyo in kale.
Cudurka Covid-19 ayaa ku soo labakacleeyay Soomaaliya, kaas oo saacadihii la soo dhaafay ay u geeriyooday dad ka badan 10 qof.
Geerida Sheekh Baaruud waxaa ka tasciyeeyay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan wuxuu kamid ahaa culimada ugu caansan Soomaalida.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.