
Ciidanka Xoogga Puntland ee PSF, ayaa maanta fashiliyay weerar argagixiso oo la doonayay in laga fuliyo gudaha magaalada Boosaaso.
Qoraal ka soo baxay PSF, ayaa lagu sheegay in Ciidanku fashiliyay Qaraxyo Al-shabaab ku diyaarinayeen goobo ku yaal gudaha Boosaaso.
“Hawlgal ay ciidamada PSF ka sameeyeen Bosaso ayaa waxay ku guulaysteen in ay kaga hortagaan qaraxyo ay Al Shabaab ku diyaarinaysay goobo ku yaal magaalada Bosaso” ayaa lagu yiri Qoraalka.
Sidoo kale, PSF waxay sheegtay in ay gacanta ku dhigeen Qaraxyadii la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka magaalada Boosaaso
“waxayna ciidamadu soo qabteen waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada,qaraxyadaas oo qayb ka mid ah loo qaado buuraha Cal Madow si loogu waxyeeleeyo shacabka iyo ciidamada Puntland.”
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.