Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa maanta khadka Internet-ka kulan kula yeeshay wakiillo ka socday Golaha Musharraxiinta Madaxweynaha.
Qoraal ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in arrintaas, ay qayb ka tahay wada shaqeynta joogtada ah ee ay la leeyihiin saamileyda siyaasadeed ee dalka, waxaana ay xoojisay baahida loo qabo in qof walba uu ka shaqeeyo sidii si dhaqso ah loogu qaban lahaa doorashada.
“saaxiibbadu waxa ay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen sida ay tahay in loo ixtiraamo heshiiskii doorasho ee 17-kii Sebteembar oo ay wada gaareen Dowladda Federaalka iyo hoggaamiyeyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, si dhammaan musharrixiintu ay ugu tartamaan doorka hoggaamineed ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri Qoraalkaas.
PUNTLAND POST