
Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa gebi ahaanba mamnuucday dhammaan isu-soo baxyada iyo isu-imaatinnada dadweynaha, si looga gaashaanto faafidda xanuunka COVID-19.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in dowladdu joojisay dhammaan isu-imaatinnada dadweynaha, si looga taxaddaro faafidda caabuqa COVID-19.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in shaqaalaha kala duwan ee dowladda laga fasaxay xafiisyada, islamarkaana ay guryahooda ku shaqayn doonaan, marka laga reebo kuwa muhiimka ah oo ilaa amar dambe sii shaqayn doona.
Go’aankan dowladda Soomaaliya ayaa ku soo beegma,y xilli Midowga Murashixiinta Muqdisho ay ku baaqeen in dibad-baxyo ballaaran oo ka dhan ah dowladda maalinta Jimcaha laga sameeyo magaalada Muqdisho.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.