
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku wargelisay dhammaan Shaqaalaha kala duwan ee dowladda, in aysan soo xaadirin Shaqada, islamarkaana ku shaqeeyaan Guryahooda, si looga gaashaanto faafidda xanuunka COVID-19.
Wasaaradda ayaa ku amartay dhammaan Shaqaalaha dowladda, in ay yareeyaan isu-imaatinnada dhexdooda ah, kuna shaqeeyaan Guryahooda, iyagoo adeegsanaya Barahooda mareegta Internet-ka, si looga taxaddaro caabuqa Coronavirus.
Waxaase Wasaaraddu sheegtay in Agaasimayaasha iyo dadka muhiimka ah, oo aan shaqada looga maarmin ay imaan karaan Xafiisyada iyo Goobaha Shaqada, iyagoo raacaya talooyinka caafimaadka ee la xiriira ka hortagga COVID-19.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.