Al-shabaab oo weerar culus ka fuliyay koonfurta Gobolka Mudug

Ugu yaraan 8 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerar culus oo Al-shabaab xalay ka fulisay degaanka Jiicdheere oo ka tirsan koonfurta Gobolka Mudug.

Wararku waxay sheegayaan in Al-shabaab mudda kooban la wareegtay tuuladaas Jiicdheere oo qiyaastii 20km u jirta Bacaadweyne balse markii dambe laga saaray.

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo dadka degaanka oo is kaashanaya ayaa dib ula wareegay Jiicdheere kadib iska hor-imaad dhexmaray iyaga iyo Al-shabaab.

Xaaladda degaanka ayaa saaka degan waxaana haatan ku sugan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

PUNTLAND POST