
Wasiirka wasaraada caafimaadka iyo daryeelka bulshadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Fawsiya Abikar Nur iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alberto Vecchi, ayaa kala saxiixday heshiis ay dowladda talyaaniga ku taageereyso qaar kamida isbitaalada dalka.
Heshiiskaan ayaa ku kacaya lacag gaaraysa 3 Milyan oo lacagta yuurada ah, waxaana wax looga qaban doonaa baahiyaha isbitaalada ay Wasaarada Caafimaadka gacanta ku hayso.
Isbitaalada ay wasaaradda Caafimaadka gacanta ku haysa ayaa ah kuwa daboola baahiyaha Caafimaad ee dadka Masaakiinta ah ee ku nool xeryaha qaxootiga iyo kaamamka kuwaas oo aan awoodin in ay iska bixiyaan qarashaadka Caafimaad.
Wasiirka Caafimaadka iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiyo soomaliya ayaa heshiiska ka dib, waxaa ay booqdeen dhawr qaybood oo ka mid ah isbitaalka Hooyadda Iyo Dhallaanka ee Banaadir.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.