Afhayeenka aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka, Nancy Pelosi ayaa sheegtay in ay hirgelin doonto guddi ka madaxbanana gollahaas oo baaritaan ku sameyn doonaa weerarkii horraantii bishii Janaayo ee sanadkan lagu qaaday aqalka Capitol, weerarkaas oo ay qaadeen taageerayaasha madaxweyne Trump.
Warqad ay u qortay xildhibaanada aqalkaas ayay Pelosi ku sheegtay in guddigaas uu u shaqeyn doona oo uu baaritaanka u sameyn doona si lamid ah sidii weerarkii labaatan sano kahor lagu qaaday daarihii dhaadheeraa ee ganacsiga ee dalka Mareykanka.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump oo lasoo golle-joojiyay aqalka sare ee dalka Mareykanka ayaa lagu waayay dembi ah in uu ka dambeeyay weerarkii gacan ka hadalka ahaa ee lagu qaaday aqalka Kongreska, haseyeehsee qaar kamid ah xubnaha Jamhuuriga iyo kuwa dimuqraadiga ayaa taageeray in guddi madax-banaan uu baaritaan ku sameeyo weerarkii dhacay ee ay ku dhinteen dad gaaraya 5 qof.
Madaxweyne Trump ayaa markii labaad taariikhda Mareykanka ka badbaaday dacwad gallaafan lahayd mustaqbalkiisa siyaasadeed kadib markii la waayay tiradii loo baahnaa si dacwadda lagu soo oogay ay ansax u noqoto.
PUNTLAND POST