
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xalay kulan la qaatay Guddiga Farsamada ee dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee ku sugan Baydhabo.
Kulanka Madaxweyne Lafta-gareen iyo Guddiga ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, marxalada kala guurka iyo muranka ka taagan qabsoomida doorashooyinka dalka
Madaxweynaha ayaa Guddiga warbixino kala duwan ka siiyay shirarkii Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee looga hadlayay khilaafka doorashada iyo heerarkii kala duwanaa ee shirarka soo mareen.
Sidoo kale Lafta-gareen ayaaa Guddiga Farsamada ee shirka uga socda Magaalada Baydhabo kula dardarmay inay ka qeyb noqdaan sidii loo fulin lahaa heshiiskii 17-kii September 2020 laga gaaray doorashada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.