Madaxweyne Biden oo kulankii u horeeyay la yeelan doona Hoggaamiyaasha G7

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Joe Biden ayaa la filayaa in uu jimcaha soo socda kulankiisi u horreeyay la yeesho Hoggaamiyaasha dalalka ku bahoobay ururka G7.

Madaxweyne Biden iyo Hoggaamiyaasha G7 ayaa kulankooda uga wada-hadli doona Arrima ay kamid yihiin xanuunka COVID-19, dhaqaalaha guud ee dunida iyo la tacaamulka dalka Shiinaha.

Kulanka oo ku qabsoomi doona qaabka fogaan-aragga waxa si gaar ah diiradda loogu saari doona Qorshaha looga guulaysan karo faafidda xanuunka COVID-19 iyo dib u habaynta dhaqaalaha Aduunka.

Biden oo ka tirsan xisbiga dimoqraadiga ayaa 20-kii Janaayo xilka kala wareegay madaxweynihii hore ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa ku howlan in uu soo diyaariyo farriinta dib ula falgalka dunida iyo hey’adaha caalamiga ah.

PUNTLAND POST