Kulan ku saabsan dagaalka Al-shabaab oo ka qabsoomay magaalada Dirirdhaba

Kulan looga hadlayay xaalada amaan ee bariga Itoobiya iyo la dagaallanka Al-Shabaab ayaa ka qabsoomay magaalada Dirirdhaba ee dowlad degaanka Soomaalida DDS.

Kulankaas ayaa u dhexmaray Gobolada dariska ah oo kala ah Ismaamulka Soomaalida, Cafarta, Oromada iyo maamulka Harar.

Waxaa kulankan guddoominayay taliye ku xigeenka Booliska Federaalka Itoobiya Melaku Fenta .

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah saraakiisha amaanka qaabilsan ee Ismaamulada bariga Itoobiya.

PUNTLAND POST