Faysal Cabdullaahi Warsame
Agaasimihii guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Faysal Cabdullaahi Warsame ayaa iscasilay.
Agaasimaha ayaa iscalilay maalintii shalay, waxaana sida ay ogaatay Puntland Post uu isu casilay wadashaqeyn xumo soo kala dhexgashay isaga iyo madaxda kale ee Wasaaradda Maaliyadda.
Faysal Cabdullaahi Warsame ayaa xilka uu iska casilay loo magacaabay bishii July ee sanadkii 2019.
Dhanka kale warar aan helnay ayaa sheegaya in uu iscasilaad qorsheynayo Agaasime Ku xigeenka Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda Keenadiid Cali Jaamac.
Muddadii ay jirtay Xukuumadda Siciid Deni, waxaa xilal iska casilay wasiiro, agaasimeyaal iyo taliyeyaal ciidan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.