Dib u dhac ku yimid Shirkii Arrimaha doorashooyinka

Dib dhac ayaa ku yimid Shirkii Arrimaha doorashooyinka, oo uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo, kaas la doonayay in la qabto 15-ka February, oo ku beegan maanta.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa shalay magacaabay guddi farsamo oo ka ooban 14 Xubnood, kuwaas oo ka kala socda dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir, si loo dhaqaajiyo Arrimaha Shirkaas.

Guddiga farsamo ayaa u gogol xaarayaa Shirka ku saabsan xallinta muranka doorashooyinka, kaas oo lagu dhammeystirayo wadahadalladii arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeyay dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada dalka ah iyo Gobolka Banaadir.

Xubnaha Gudiga ayaa ka shaqyan doona sidii  uu u dhici lahaa shirka Madasha wadatashiga, ajandayaasha looga hadlayo iyo goobta rasmiga ah oo lagu qabanayo.

PUNTLAND POST