Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hay’adaha Amniga Muqdisho ku amray in deg deg loo furo Wadada Dabka oo halbowle u ah isu-socodka shacabka iyo gaadiidka Muqdisho.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu amray hay’adaha Amniga in Wadadaas la furo sida ugu dhakhsaha badan.
“Waxaan faray hay’adaha amniga in ay deg deg u furaan waddada Dabka oo halbowle u ah isu socodka shacabka iyo ganacsiga caasimadda.”
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa shacabka uga mahad-celiyay dulqaadka ay muujiyeen intii wadadaas xirnayd.
Sidoo kale, Ra’iisul wasaaruhu wuxu shacabka ka codsaday in ay Laamaha Amniga kala shaqeeyaan sugidda Amniga magaalada Muqdisho.
PUNTLAND POST