
Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa sheegay in ay degaan ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose ku qabteen Gaari nooca loo yaqaan Hoomay oo qaraxyo lagu soo raray.
Gaariga miinaysan ayaa lagu qabtay tuulada Cad-cadeey oo ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose sida laga soo xigtay Saraakiisha Ciidanka Danab.
Saraakiisha ayaa sheegay in Gaariga Qaraxyada sida la doonayay in lagu weeraro shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo Gobollada Shabeellooyinka.
Sidoo kale waxay Qaraxyadan ku eedeeyeen ururka Al-shabaab inkastoo Al-shabaab aysan weli ka hadlin Arrintaas.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.