Dacwaddii ka dhanka ahayd Donald Trump oo ugu dambayn lagu waayay

Aqalka sare ee Mareykanka ayaa shan maalmood kaddib soo afmeeray dacwaddii Donald Trump ee uu waday.

Go’aanka ugu dambeeya wuxuu noqday in Trump uusan wax lug ah ku lahayn  weerarki bishii hore lagu qaaday aqalka Koongreska Mareykanka.

Trump ayaa markale ka guuleystay xisbiga dumuqraadiga dacwaddii ay la damacsanaayeen, kaddib marki ay si weyn u garab istaageen xubnaha xisbigiisa Jamhuuriga.

Mr Trump ayaa qoraal uu soo saaray ugu dabbaal-degay in dacwaddaas lagu waayay isago cambaareeyay Xisbiga dumuqraadiga.

PUNTLAND POST