
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa ka qeybgalay Shirka Agaasimeyaasha Hey’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadda ee wadamada xuminta ka ah Jaamacadda Carabta, kaas oo lagu qabtay aaladda Fogaan aragga (ZOOM).
Shirkaan oo ah kii 19aad, ayna ka soo qeybgaleen 13 wadan ayaa diiradda lagu saarayay ka doodista qodobadii Shirkii hore ee ay yeesheen Wadamada Carabta iyo waxa ka qabsoomay sida, dib u eegista Magacyada Hay’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Wadamada Jaamacadda Carabta, sida ay ula dhaqmaan Wadamada Jaamacadda Carabta Qaxootiga carbeed ee wadamadooda ku sugan iyo saameynta uu ku yeeshay qulqulka Qaxootiga dhanka Amniga ee Wadamada Jaamacadda Carabta.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sheegay in Soomaaliya ay la jaanqaadeyso iyo siyaasadaha iyo Sharciyada lagu hagaajinayo Xaaladaha nololeed ee Qaxootiga Carbeed, islamarkaana looga hortago saameynta ay ku yeelan karaan dhanka Amniga wadamada marti geliyay, sida ku biirista Ururada Xagjirka ah, ka ganacsiga Maandooriyaha iyo Dhaqista lacagaha madow iyo Socdaalka Sharci darada ah.
Shirkaan oo laba maalmood socday ayaa maalintii ugu dambeysay loogaa hadlay Isdhaafsiga Khibrada dhanka Jinsidiyaha, Isticmaalka Tiknolojiyada horumarsan ee Baasaboorka, iyo In aragti mideysan ay ka yeeshaan Wadamada Jaamacadda carabta aqoonsi ay ku mideysan yihiin dhamaan wadamada jaamacadda Carabta.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.