Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda oo Diidday Codsigii Kenya

Muqdisho (Wararka PP) — Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda oo xiriir la soo sameysay Ra’iisal Wadaare Ku Xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Guuleed, ayaa sheegtay in dhegeysiga dacwadu dhici doonto waqtigii la asteeyay.

Dowladda Kenya ayaa Maxkamadda ka codsatay dib u dhigista dhegeysiga dacwada muran badeedka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya. Dowladda Kenya waxay ku doodday in qalalaase dastuur oo Soomaaliya ka jira dartiis ay habboonaan lahayd in dhegeysiga dacwada dib loo dhigo.

Maxmadda Caalamiga ee Cadaallada ayaa Mudane Mahdi Guuleed, Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya, ku wargelisay xilliga dhegeysiga dacwadda qabsoomayo.

Dhammaadka xilliga xilhaynta madaxweynaha ayay Kenya u arkaysay fursad dib loogu dhigi karo dhegeysiga dacwada.

Waxay Maxkamaddu ka codsatay Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka inuu soo gudbiyo xubnaha Soomaaliya uga qeybgali doona dhegeysiga dacwadda.

© Puntland Post, 2021