Malayshiyaad ku dagaallamay Galgaduud oo la kala qaaday

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in saaka oo Sabtiya la kala qaaday laba malayshiya-beeleed oo dhowaan ku dagaallamay degaanka Xananbuurre.

Mas’uuliyiin ka tirsan  dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Galmudug, ayaa saaka ku guulaystay in la kala qaado labada malayshiya-beeleed, kadib markii labada dhinacba lala hadlay.

Mas’uuliyiinta ayaa kormeer ku tegay degaanka Olol oo dhanka koofur galbeed ka xiga Xananbuurre iyo sidoo kale Xinjilab oo isna dhanka waqooyi ka xiga Xananbuurre, halkaas oo ay dhowaan ku dirireen labada dhinac.

PUNTLAND POST